Uk: Dr Cusmaan Maxamed Gacal (Jhon) iyo Xamsa sayid Xamsa oo casho loogu sameeyay magaalada London +sawiro
Xaflad lagu soo dhawaynayey guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga mudane Dr Cusmaan Maxamed Gacal (Cusmaan John) iyo cayaaryahankii hore ee naadigii kubadda cagta ee Badda Xamsa Sayid Xamsa ayaa lagu qabtay maqaayada walaalaha ee waqooyiga London.
Cashadan oo uu soo qabanqaabiyey Gudoomiyaha ururka midaynta qurbajoogta sport ga Soomaaliyeed UK mudane Axmed Nuur Maxamed Xaashi (Sayga Ruushka) ayaa waxaa ka soo qaybgalay odayaal, siyaasiyiin dhalinyaro iyo waliba ururo kale oo gacansaar la leh uruka mideynta ayaa eheed mid ay aad ula dhacsanaayeen dhamaan dadkii ka soo qeyb galay.
ayadoo dhamaan dadkii ka soo qaybgalayna ay wajigood hareereeysay farxad an lakoobi Karin ayaa ugu horeentii waxaa laguda galay hadalo kooban oo ka turjumaaye mudadii yareed ee uu jiray ururka Mideynta Qurba joogta Isboortiga Soomaaliyeed ee UK ayaa waxaa hadalaya xubanaha uu ka kooban yahay ururka.
Waxaana hadalkii bilaabay Guddoomiye ku xigeenka ururka midaynta Maxamed Khaliif, Xoghayaha Maxamed Ciise (Digeeye) afhayeenka C/Rashiid Ismaaciil Godoomiyaha Esta London Ali Hussen Mahdi Iyo Macalinka Kooxda Nabadda FC Cabdifitaax Sanweyne oo dhamaantood ka hadlay furitaankii cashada waxa ayna si wadajir ah uga hadleen waxqabadkii mudadii yareed ee ururka Mideynta Qurba Joogta Soomaaliyeed ee UK iyo sida ay ugu faraxsanyihiin in ay soo dhaweeyaan saaxiibadooda kaalimaha muhiimka ah uga jira horusocodka ururkan oo ka kala yimid dalalka Talyaaniga iyo Maraykanka.
dhinaca kale waxa ay siwada jir ah ay u tilmaameen howlaha drdarta ku socda ee magaaladan London waxayna labadoodaba ku amaaneen howlihii muhiimka ahaa ee ay ka kala qabteen safarkii iyo cayaarihii uu ururku ku tagay dalka Talyaaniga iyo waliba safarkii uu guddoomiye Axmed-Nuur uu isna ku tagay dalka Maraykanka ayagoo dhamaantood uga mahadceliyey saaxiibadood kaalimaha ay uga jiraan ururka.
Sidoo waxaa habeenkaa goobta ay cashada ka dheceysay goob jog ka ahaa mus’uuliyiin sare oo ay kamid ahaayeen Musharaxa madaxwayne nimada Soomaaliya ee sanada soo socoto mudane Cali Cabdulle Guure iyo xildhibaan C/Qaadir Cusmaan Cali (Shiddo) oo iyaguna dhankooda amaan u soo jeediyay ururka midaynta dadaalka uu ugu jiro isku soo dumidda bahda Isboortiga iyo hawlaha horumarineed ee ay hayaan waxayna u rajeeyeen kuwa ku guulaysta hawshan ay ayagu isku xilqaameen.
Cayaaryahankii hore ee kooxdii jeenyo (LLPP) oo haatan macalin u ah kooxda Ilamos Axmed Cabdulle Xirsi (Axmed Bile) oo ku hadlayey magaca ururka SSAUK oo ay ku midaysan yihiin inta badan cayaartoydii hore ee dalka ayaa ugu horeyn ku soo dhaweeyey walaalaha Isboortiga magaalada London asagoo dhinaca kalena cudurdaar ka bixiyey guddoomiyaha ururka SSAUK macalin shiino Guhaad oo duruufo awgood uga soo qaybgali waayey cashada wuxuuna ubalan qaaday ururka midaynta in ay kala shaqayn doonaan hawlaha ay wadaan taasoo si aad ah loosoo wada dhaweeyey.
dhanka kale Dr Cusmaan Maxamed Gacal (John) oo asaguna hadalo gaaban ka jeediyey halkaasi ayaa ka sheekeeyey waxyaabihii wanaagsanaa ee ay ku arkeen safarkii ay ururka Midayntu ku tageen dalka Talyaaniga ayagoo wada koox dhalinyaro kubadda cagta ah (Nabadda FC) iyo sidii asluubta iyo kala dambaynta lahayd ee ay ku soo dhamaysteen safarkoodi wuxuuna u balanqaaday ururkan in sanadkan ay ugu diyaargaroobayaan si ka wanaagsan sidii hore ayna awood u yeelan doonaan in ay qaabilaan in ka badan hal koox.
Dr cusmaan ayaa dhinaca kale soo dhaweeyey wada shaqaynta ay ka dhawaajiyeen ururka cayaartoydii hore wuxuuna ku martiqaaday ururkan iyo madaxdiisaba in ay kala soo qeyb galaan tartamada soo socda ee ka dhici doona dalka Talyaaniga hadii eebe idmo.
Wxaa sidoo kale madashaa ka hadlay Cayaaryahankii hore ee naadiga Badda Xamsa oo asaguna dhinaciisa ka hadlay ugana mahadceliyey ururka midaynta hawsha uu wado taasoo uu ku tilmaamay in ay asaga qof ahaan u soo jiidatay maadaama uusan waligiis ku arkin bahda Isboortiga qof ka hadlaya midayn.
“Tan iyo markii uu Axmed Nuur Sayga noogu yimid dalka Maraykanka waxaa bilownay in aan xiriirno dad aan isku koox ahaan jirnay, kuwa aan isla cayaari jirnay oo aan dalkaasi muddo 20 sano ka badan ku wada noolayn aanan warna iska hayn, marka aniga si xaqiiqo ah ayaan u arkay midaynta ay wadaan walaalahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay
ugu danbeentiina waxa uu ugu baaqay bahda Isboortiga in ay taageeraan ururkan.
Gabagabadiina waxaa hadalkii qaatay Guddoomiye Ururka Axmed-Nuur Sayga oo ka hadlay madashii ayaa uga mahadceliyey saaxiibadiisa booqashadooda iyo waliba sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeeyeen mudadii uu jiray ururkan asagoo dhinaca kale uga mahadceliyey saaxiibadiisa reer London gaar ahaan cayaartoydii hore wadashaqaynta ay u balanqaadeen taasoo ah mid uu ka filayey ugana bartay.
Isku soo wada duube xafladii cashada eheed ayaa ku soo dhamaatay jawi dagan oo ay farxad iyo is jacayl ay u dheertahay ayadoona halkaasi la isaga qaadayayey sawiro xusuus reeb ah.
a.c w w salaan kaddib walaaliyaal ninkaan hadduu soomali si gaara u dhaliilo far ayaa nagu fiiqan dhibka jira ayaa waxay tahay soomaalido waxbarasho ku filan malahan waa dad uun duurka iyo tuulooyin laga keenay hiddaha dhaqanka soomaaliyeed iyo diinteena islaamkuna wey ka gaddisantahay qowmiyadaha kale marka shisheeye wuxuu inoo arkaa dad waalan ama cunsuri ah,tusaale ahaan gabdhaha soomaaliyeed ee dhowrsan oon is qaawin iyo ku dhaganaanshaha diinteena aan ku dhaganahay waxay kamidtahay waxyaabaha ka yaabiyay gaalada waxay naga filanaayeen inaan kaniisadaha i qidmeeno oo gabdhayaga jidadka lagu fuul fuulo markaan dhaqan rugmano ayay na tarxiili lahaayeen laakiin dad dadntooda garanaya oo kan africa ku haray soo jiidaya miskiinka tuulada ku gaajeysan wax gaarsiinaya hal abuur laga sugayaa waa kee? anaga yurub waxaan u tagnaa inaan kis ka helno oo familka jooga africa saacidno iyo inaan nabad ku noolaano balse ma ku nagaan doonaa waaye?!.hal abuur waxaa yeelan kara ruux daggan waddankiisa lehna aqoon dhameystiran,inta ina soo dhaweysay way kumahadsanyihiin intase aflagaado iyo cunsurnimo naga daba wado maxay naga qaadi karaan waaye waxaan nahay dad waddankooduba soo gubay maxaan ka naxnaa anaga cunsuri yuu war isku daalin aan leeyahay kkkk.
U codee: 0 0
- Cash Male Naked Twinks
- Advance Cash Choice First
(740) 333-4333 · 206 E Court St, Washington Court House, OH 43160 · Categories: Cash & Check Advances , Personal Financing Specialities: Electronic Filing, Efile
- Cash Line
- Advance Bergen Cash
- Payday Cash Advance Vermont
Online payday advance loans - Quick application results in seconds. Get $100 to $1000, 1-888-PAYDAY1. No Faxing or waiting in line at PayDayOne.com.